๐Hayโadda Kheyriga ah ee Al-Ithaar oo Hambalyo Diirran u Dirtay Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed

Maamulka iyo shaqaalaha Hayโadda samafalka Al-Ithaar waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo daafaha caalamka,
Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo ku beegan: Hijri: 11-ka Dul-Xijjah 1447H Miilaadi: 20-ka Maarso 2026 Maamulaha Hayโadda, Sheekh Cabdiraxiim Cali Xaaji, oo xiligan ku sugan Makkah, ayaa fariin diirran la wadaagay guud ahaan Muslimiinta.
Wuxuu yiri: โWaxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan, dhammaan Muslimiintana waxaan la qeybsaneynaa farxadda maalinta ciidda.
Ilaahay ha nagu gaarsiiyo ciidaha soo socda nabad, caafimaad iyo barwaaqo.โ Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxiim wuxuu bulshada kula dardaarmay inay muujiyaan midnimo iyo is-cafin, isla markaana ay garab istaagaan dadka dhibaateysan iyo kuwa xanuunsan, una duceeyaan walaalahooda Muslimiinta ah.
Dhanka kale, Maamulka Hayโadda Al-Ithaar waxay si gaar ah ugu mahadcelinayaan walaalaha muxsiniinta ah ee ka qeyb qaatay farxinta agoonta, kuwaas oo dhar cusub oo ciid ah u iibiyay carruurta lagu xanaaneeyo xarunta agoonta Al-Ithaar.
Maamuluhu wuxuu xusay in tani ay ahayd waqti ku habboon oo laga farxiyo agoonta si ay ula qeybsadaan farxadda ciidda carruurta kale.
Ugu dambeyn, Hayโadda Al-Ithaar waxay markale hambalyo u diraysaa ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta, iyagoo leh: โCiid Mubaarak, sannadkan sannadkiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo kheyr iyo nabad.
ุงููู ุฃูุจุฑ ุงููู ุฃูุจุฑ ุงููู ุฃูุจุฑุ ูุง ุฅูู ุฅูุง ุงูููุ
ุงููู ุฃูุจุฑ ุงููู ุฃูุจุฑุ ูููู ุงูุญู
ุฏ
ุงููู ุฃูุจุฑ ูุจูุฑูุงุ ูุงูุญู
ุฏ ููู ูุซูุฑูุงุ ูุณุจุญุงู ุงููู ุจูุฑุฉู ูุฃุตูููุงุ
ูุง ุฅูู ุฅูุง ุงููู ูุญุฏูุ ุตุฏู ูุนุฏูุ ููุตุฑ ุนุจุฏูุ ูุฃุนุฒ ุฌูุฏูุ ููุฒู
ุงูุฃุญุฒุงุจ ูุญุฏูุ
ูุง ุฅูู ุฅูุง ุงูููุ ููุง ูุนุจุฏ ุฅูุง ุฅูุงูุ ู
ุฎูุตูู ูู ุงูุฏูู ููู ูุฑู ุงููุงูุฑููุ
ุงูููู
ุตููู ุนูู ุณูุฏูุง ู
ุญู
ุฏ ูุนูู ุขู ุณูุฏูุง ู
ุญู
ุฏ ูุนูู ุฃุตุญุงุจ ุณูุฏูุง ู
ุญู
ุฏุ
ูุนูู ุฃูุตุงุฑ ุณูุฏูุง ู
ุญู
ุฏ ูุนูู ุฃุฒูุงุฌ ุณูุฏูุง ู
ุญู
ุฏ ูุนูู ุฐุฑูุฉ ุณูุฏูุง ู
ุญู
ุฏ ูุณูู
ุชุณููู
ูุง ูุซูุฑูุง
Qore: Saciid Xaaji
Tifaftiraha Hayโadda Al-Ithaar



