Jannah Theme License is not validated, Go to the theme options page to validate the license, You need a single license for each domain name.
WAXQABAD

๐ŸŒ™Hayโ€™adda Kheyriga ah ee Al-Ithaar oo Hambalyo Diirran u Dirtay Ummadda Soomaaliyeed Munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed

Maamulka iyo shaqaalaha Hayโ€™adda samafalka Al-Ithaar waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka iyo daafaha caalamka,

Munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga oo ku beegan: Hijri: 11-ka Dul-Xijjah 1447H Miilaadi: 20-ka Maarso 2026 Maamulaha Hayโ€™adda, Sheekh Cabdiraxiim Cali Xaaji, oo xiligan ku sugan Makkah, ayaa fariin diirran la wadaagay guud ahaan Muslimiinta.

Wuxuu yiri: โ€œWaxaan Alle ka baryeynaa inuu naga aqbalo acmaasha wanaagsan, dhammaan Muslimiintana waxaan la qeybsaneynaa farxadda maalinta ciidda.

Ilaahay ha nagu gaarsiiyo ciidaha soo socda nabad, caafimaad iyo barwaaqo.โ€ Sidoo kale, Sheekh Cabdiraxiim wuxuu bulshada kula dardaarmay inay muujiyaan midnimo iyo is-cafin, isla markaana ay garab istaagaan dadka dhibaateysan iyo kuwa xanuunsan, una duceeyaan walaalahooda Muslimiinta ah.

Dhanka kale, Maamulka Hayโ€™adda Al-Ithaar waxay si gaar ah ugu mahadcelinayaan walaalaha muxsiniinta ah ee ka qeyb qaatay farxinta agoonta, kuwaas oo dhar cusub oo ciid ah u iibiyay carruurta lagu xanaaneeyo xarunta agoonta Al-Ithaar.

Maamuluhu wuxuu xusay in tani ay ahayd waqti ku habboon oo laga farxiyo agoonta si ay ula qeybsadaan farxadda ciidda carruurta kale.

Ugu dambeyn, Hayโ€™adda Al-Ithaar waxay markale hambalyo u diraysaa ummadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Muslimiinta, iyagoo leh: โ€œCiid Mubaarak, sannadkan sannadkiisa kale Alle ha nagu gaarsiiyo kheyr iyo nabad.

ุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ ุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ ุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑุŒ ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ุŒ
ุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ ุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑุŒ ูˆู„ู„ู‡ ุงู„ุญู…ุฏ

ุงู„ู„ู‡ ุฃูƒุจุฑ ูƒุจูŠุฑู‹ุงุŒ ูˆุงู„ุญู…ุฏ ู„ู„ู‡ ูƒุซูŠุฑู‹ุงุŒ ูˆุณุจุญุงู† ุงู„ู„ู‡ ุจูƒุฑุฉู‹ ูˆุฃุตูŠู„ู‹ุงุŒ
ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ ูˆุญุฏู‡ุŒ ุตุฏู‚ ูˆุนุฏู‡ุŒ ูˆู†ุตุฑ ุนุจุฏู‡ุŒ ูˆุฃุนุฒ ุฌู†ุฏู‡ุŒ ูˆู‡ุฒู… ุงู„ุฃุญุฒุงุจ ูˆุญุฏู‡ุŒ
ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ุŒ ูˆู„ุง ู†ุนุจุฏ ุฅู„ุง ุฅูŠุงู‡ุŒ ู…ุฎู„ุตูŠู† ู„ู‡ ุงู„ุฏูŠู† ูˆู„ูˆ ูƒุฑู‡ ุงู„ูƒุงูุฑูˆู†ุŒ
ุงู„ู„ู‡ู… ุตู„ู‘ู ุนู„ู‰ ุณูŠุฏู†ุง ู…ุญู…ุฏ ูˆุนู„ู‰ ุขู„ ุณูŠุฏู†ุง ู…ุญู…ุฏ ูˆุนู„ู‰ ุฃุตุญุงุจ ุณูŠุฏู†ุง ู…ุญู…ุฏุŒ
ูˆุนู„ู‰ ุฃู†ุตุงุฑ ุณูŠุฏู†ุง ู…ุญู…ุฏ ูˆุนู„ู‰ ุฃุฒูˆุงุฌ ุณูŠุฏู†ุง ู…ุญู…ุฏ ูˆุนู„ู‰ ุฐุฑูŠุฉ ุณูŠุฏู†ุง ู…ุญู…ุฏ ูˆุณู„ู… ุชุณู„ูŠู…ู‹ุง ูƒุซูŠุฑู‹ุง

Qore: Saciid Xaaji
Tifaftiraha Hayโ€™adda Al-Ithaar

18

Maqaalada Saameynta Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back to top button